Home  
 
  Gosha  
 
  Heeso  
 
  Wanafrica  
 
  Arab News  
 
  World News  
 
 
BBC 11:00 GMT
BBC 14:00 GMT
BBC 18:00 GMT
Radio Banadir
Voice of America
Somali Radio(USA)
Radio SCERDO
Radio Somali Edmonton

Islamic City
Study Islam
Islamic Books
Holy Qur'an Resources
Quran & Muslims
The Quran Network
Golaha Imaamyada
Prayer Worldwide
The right way to Pray
Learn About Islam
Dugsi Education Center
Somali Sunah
Tafsiirka Quraanka

RTD (Radio and TV Djibouti)



UUR KUTAALLO, AAN LA ILOOBI DOONIN

Eng. Yarow Sharef Aden(Mashemba) oo ka hadlay sida uu u arko Maamulka Cusub ee Sheikh Shariif, iyo arimo kale oo ku saabsan Qowmiyadda Jareerweyne.

February 15/2009 JNN9JiimoNet News)

Wakiilkii Ururka SAMO garabkii Allah u naxariistee marxuum Maxamed Ramadaan Arbow (1990-1998), ee u fadhiyey, magaalada Addis ababa, ee dalka Ethiopia, Eng. Yarow Sharef Aden oo loo yaqaan Masheemba , oo haatan ku nool dalka Ingriiska, ayaa, shabakada jiimonet kula xiriirtay qatka telefonka, waxaana wax ka weydinayey, sida uu u arko, isbedelka siyaasadeed ee haatan ka socda dalka Soomaaliya, farqiga u dhaxeeya Maamulkan cusub e sheikh Shariif iyo kuwii hore, iyo sida uu u arko, Awood qebsiga 4.5-ka lagu saleeyey.

Eng. Yarow Sharef(Mashemba) ayaa su'aalaha aan weydinay ugu jawaabay sidan hoos ku qoran:

Walaal Ibraahim Akuja iyo shabakada jiimonet, waad ku mahadsan tihiin xiriirka aad ila soo yeelateen iyo fursadda qaaliga ah aad ii siiseen inaan aragtideyda ka dhiibto waxyaaba haatan dalka ka dhacaya.

Horta aniga arimaha Soomaaliya iyo siyaasadeeda muddo dheer ayaan ku soo dhexjiray, 1990-1998-dii, waxaan ahaa Wakiilka Ururka SAMO ee magaalada Addis ababa, wixii waqtigaasi ka danbeeyana siyaasadda si toos ah iyo si dadbanba ayaan ugu dhex jiray, anigoo markaasi halgan adag ugu jiray raadinta xaquuqda Jareer(Somali Bantu)

Waad la soctaan, Maamuladii ka horeeyey Burburkii Soomaaliya, waxay ahaayeen kuwa musuqmaasuq iyo qabyaalad ku dhisnaa, oo Qowmiyadda Jareer, way ku dulmanayd maamuladaasi, tii Rayidka aheyd, iyo tii Militriga aheyd ee Siyaad Barre waan ku dulmanayn, marka si aan dulmi kale u dhicin ayaa waxaan bilawnay, inaan indhaheena furno, oo siyaasad ahaan aan ula tartano Ururadii xilagaasi jiray, inkastoo ay Ururadaasi ay hubaysnaayeen, anagana aan ahyn urur Siyaasadeed, oo hadii la doono la hubayn karay, taasi ayaa igu kaliftay inaan ka midnoqdo Ururuka SAMO ee masalayey beelaha Jareer ama Somali Bantu

Runtii annaga dadyowga Jareerta ama (Somali Bantu) oo ku nool dalka Somaaliya, umma aragno wax isbeddel weyn ah in ay ka imaan karaan dhanka maamulka uu hogaminaayo madaxweynaha cusub Sheekh Shariif, sababtoo ah, maamuladii kala horeeyey sida, maamulkii C/qaasim iyo kii

C/hi Yuusuf waxay ku dhisnaayeen midab takoor (Aparthied) oo aan xishood ku jirin, lagana yaxyaxeynin, midaan cusubna kuwaasi ayey la mid tahay, waxaa daliil kuugu ah, habka lagu soo dhisay ee 4.5-ka dulmiga ah, sua'ashu waxay tahay, annagu hadaan nahay Jareer(Somali Bantu) maka yeeli doonaa? ama ma ogolaan doonaan habkaasi dulmiga ah, ee midabtakoorka ku dhisa, jawaabtu waxay tahay; MAYA, MAYA, MAYA marna ma ka yeeli doono inaan ogolaano ama taageerno nidaam ku dhisan kala sareyn iyo midab takoor, waanu ka soo horjeednaa, weligeenana waan ka soo horjeedaynaa, waqti kasto hanagu qaadatee!

Hadaba waxaan u sheegayaa ummadda Somaaliyeed meelkast ha joogtee; in laga tagey waqtigii lagu fikiri jirey ama laysku nisbayn jirey ADOON, MIDGAAN, LAF YAR iyo LAFWEEN, LAAN DHEER iyo LAAN GAAB.

Qowmiyadda Jareerta ah, (Somali Bantu)waa dad muwaadiniin ah, deegaano aad u balaaran oo la wada yaqaano ka dega dalka, waxaa intaasi sii dheer in Qowmiyadda Jareerta ay u soo halgantay xuriyadda dalka, waxaan marqaatika ah, halgankii Suldaan Nasiib Buundo uu la galay Talyaniga, iyo daba dhilifyadiisa.

Waxaa xusuus mudan qowmiyadda Jareer (Somali Bnatu) Qeybta-libaaxa ay ka qaateen aasaaskii iyo hirgelintii xisbigii xuriyadda ee SYL fikirka aasaaska xisbigaasina uu lahaa Cabdulqaadir Sheikh Saqawadiin

Waxaan marnaba qarsoomayn, sida ay qowmiyadda Jareer (Somali Bantu)ugu qeybqaateen Difaaca dalka, haday noqon laheyd dagaaladii 77-kii iyo kii 62-dii lala galay Amxaarada,

Dhismaha iyo laf-dharka dhaqaalaha dalka marka laga hadlayo wax soo saarka inay Qowmiyadda Jareer safka hore ka aheyd wax qarsoomi karo maahan.

Hadaba waxaa nasiib-darro ah, in beelaha walaalaheena ee Jileeca ah qaarkood in ay u cuntamiweyso in qofka Jareerka ama Somali Bantuga) inuu la sinaan karo, la xaquuq noqon karo, waxna hogaaminkaro.

Soomaaliyey waxaan joognaa qarni qofka lagu qiimeeyo aqoontiisa, waxqabadkiisa, daacadnimadiisa, iyo kartidiisa, lama jooga waqtiga wax lagu qiimeynayey, kanaa sanweyn iyo kanaa sandhuuban.

Waxaa la joogaa qarni qofna aan la duudsin karin xaqiisa, qabiilkasta oo Soomaali ah, Jileec ama Jareer kuu doona ha ahaado, haduu deegaan qaas ah ku leeyahay dalka, waxuu xaq u leeyahay hogaaminta dalka.

Xubnaha Jareerta haatan ugu jira Barlamaanka, dhankay doonaan haka soo galeen kuwii TFG-da iyo kuwa cusub ee Isbahaysiga, waxaa muhiim ah inaad midowdaan oo qadiyadda Jareer aad u modowdaan, iskana ilowdaan hadii uu jiro wax qilaaf ah oo dhexdiina, waad la socotaan in xaquuqdeenii lagu jiifo oo waxa aan inoo cuntumin uu maamulkasta inoo soo tooro, waxaan idiinka codsanayaa, inaad midowdaan, hadafkiinana uu ahaado sidii Jareer ay ula sinaan lahayd beelaha kale ee isku hayto inay Jareer ka badan yihiin.

Golaha salaadiin ee Jareerweyne, Hooyooyinka, Dhallinyarada, saraakiisha, indheer garadka iyo aqoonyahanada Jareer-weyne meel kastoba ha joogane waxaan ka codsanayaa in aad u soo jeesitaan mideenta dadkiina iyo dalkiina . waxaan hubaa in aan ka tilaabsandoono marxaladan muragada iyo ciilka leh ee nalagu duudsinayo noockasta oo ka mid ah xaquuqdeena, deegaan ahaa, siyaasad ah, iyo dhaqan bulsho ahaanba

Waxgaradka Jareerweyne ama Somali Bantu ee ku nool dibadaha, waxaan idinka codsanayaa, inaad xil gaar ah iska saartaan, baadigoobka xaquuqda Jareerwyne, koox ahaan iyo shaqsi ahaanba, waa inaan laga aamusin ama la dhayalsanin siyaasadan midabtakoorka ah, ee weligeed si dadban u jirtay, laakiin maamulada hatan dalka ka jira ay sharci ka dhigeenba xitaa ay Beesha caalamka ka dhaadhicyeen in Soomaali ay saan tahay. Marka waa howl inaga inoo taal in aan aduunka iyo maamulka Soomaaliya ka jiraba ka dhaadhicinaa, inay waxan yihiin sadbursi ku saleysan midab takoor.

Wa bilaahi towfiiq

Eng. Yarow Sharef Aden
swrur@hotmail.com

« Back to home page



Enter Keywords:

Search Engine via Google
Enter Keywords and search


          
Jareer Role Models

Geesiga, Hogaamiyaha, Halyeygii Suldaan Nassib Buundo

Al-Sayid Cabdlkhadir Sheikh Saqawadiin Sheikh Aweys

Faay Jeellow waxay aheyd gabadhii u hurtay nafteeda iyo maalkeeda in lagula dagaalamo gumaysiga Talyaniga.

Halgamaa Maxamed Ramadaan Arbow waxuu ahaa Aasaasihii hogaamiyihii ururka SAMO.

Prof. Xuseen Muse waa Hormuudkii Kuliyadda W. Lafoole, Sanadkii 1984 - 85              Ph.D Holder from United Kingdom

Prof. Cumar Eno aqoon yahan u halgamay beesha Jareer weyne

»              Click here to read more .....


A Trusted Source of News and Information Since 1942. VOA is a multimedia international broadcasting service funded by the U.S. government through the Broadcasting Board of Governors.
Click here to listen: » VOA


Boggaan waxaan oogu tala-galnay in lagu xeyeesiiyo wax alla wixii ganacis ah ama ururo sama fal ah.
Click here to enter


Copyright © Jiimonet 2007