|
Xusuusaha Damqashada leh, hadmaa laga Bogsan!!!!!!!!
Marka laga hadlo ama la soo qaado sheekooyinka ma hadhada ah, ee ka dhacay gudaha Soomaaliya iyo xoogaggii kala awoodda badnaa ee qabiiladii beelaha Soomaalida, qof kasta, qoys kasta, qabiil kasta, ama qowmiyad kastaba ha ahaatee; waxaa maskaxdooda markiiba ku soo dhacaya Dhibaatadii Dawlada la'aanta dalka ka jirtay iyo Saamaynta ay ku lahaatay.
"Qof kasta Boogta ku taala ayuu barbarkeeda xoqaayee" Qowmiyada Jareer-weyne ruux walba oo kamid ah, dareen iyo garashana uu ku jiro, waxa aan maskaxdiisa ka baxaynin Xadgudubyadii ku dhacay dadkooda(Jareer), oo ayagu ahaa kuwo aan waxba galabsan, oo horayna u dulmanaa, loogu daray xadgudubyo, iyo gabood-fal ka dhan ah Aadaniga ku nool aduumka dushiisa. Xadgudubyadii loo gaystay, beelaha Jareer ayaa waxaa ka mid ahaa: gowrac sida xoolihii loo gowracay, meedadkoodana la soo dhoobay qashin qubka Xamar, iyo laamiga hareerahiisa, si ay Jareerta kale ugu waansa qaataan, waxaana ka mid ahaa dadkaa la qowracay; saddaxdii wiil oo ilma adeerta ahaa, oo lagu kala magacaabi jiray Xaaji Saalax Xaaji Ibraahim, Abuukar Xaaji Xasan iyo wiil kale oo ina adeerkooda ahaa.
Waxaa iyadana ma hadho ah, cadaabtii loo geystay Faay Maa'uud, oo aheyd gabar dhallinyaro ah oo ka soo jeeday beelaha Jareerweyne, ayaa naag gedislay aheyd, intay rag dablay ah, oo ilmo adeerrteeda ahaa, intay ku toosisay Faay Maa'uudoo xaamilo aheyd, ayaa intii Faay gacmaha iyo lugaha laga xirxiray, baansiina kor iyo hoos loogu bilbilay, kadibna deb la qabadsiiyey, gurigana dusha looga soo xiray, Faay Maa'uud iyo cunigii ay ku dhasha dhaawacaasi ayaa markii danbe labadu u dhinteen, cadaabtii ay cadaabtay naagta gedislayda aheyd, oo markaasi ku faanaysay, awoodda beesha ay ka dhallatay naagta gedislayda aheyd. Dilkii arxan darada iyo ciqaabta ahaa ee gabartii uurka lahayd loogu gaystay magaalada Kismaayo, gebadhaas oo iyaduna ka soo jeeday beelaha Jareerweyne, ayaa intii lugaha iyo gacmaha laga xiray, geedna laga soo foorariyey, madaxiida oo hoos ah, lugaha oo kor ah, lala dhacayey karbaash, ilaa uu jirkeeda ka gogo'o, kadibna iyadoo wada dhiigaysa sanka, afka iyo meel walba oo jirkeeda ka mid ah looga shubay basbaas.
Gabadhaas oo magaceeda aanan noo suurta gelin inaan helno, ayaa dhibaatan waxaa u geystay cid Jileec ah, oo ay u shaqayn jirtay, markii aay bishii dhamaatay, oo gabadhii weydisatay lacagtii mushaharkeeda aheyd oo lagu heshiiyey, ayey cidii loo shaqeynayey ku masabiteen, in gabadha shaqaalaha aheyd ay ka xaday faraati dahab, kadibna, gabadhii shaqaalaha aheyd ciqaabtaasi la mariyey ilaa ay ka dhimato la ciqaabayey.
Waxaa iyadana ma hadho ah, sidii arxandarada ahayd ee Ibraahin Boolow loo jirdilay korkiisana dhaawacyada naxdinta leh loogu gaystay, kadib markii fiilo loogu xiray gacmaha iyo dhabarka, ulna ay dabada ka galiyeen, islamarkaana masaabiir loogu garaacay dhabarkiisa, iyadoo 8 bilood kadib, masaamiirtaasi looga soo saaray isbitaalka Madiina ee magaalada Mogadishi. Ibrahim Boolow, oo ah nin saaxibul ciyaal ah, ayaa ayaa hadaan ku sugan xaalad uusan u shaqaysan karin caruurtiisa, dhibaatada ka soo gaartay jirdilkaasi, waxaana jirdilkaasi ku sameeyey, niman ay naagi soo dirtay, iyadoo naagtaasi leh, tuuba ayuu iga qaribay, balse, runtii, waxay aheyd, Ibrahim Boolow oo farsamo yaqaan ahaa, ayaa naagtan u sameeye, tuubo ka qaribneyd, markuu lacagtii ijaarka weydistayna, masabidatay
Waxaa iyadana xusuus mudan, raggii jareerta ahaa ee sannadkii 92-dii aashitada lagu shubay intii la xirxiray, kuwaas oo lagu masabitay in ay shidaal Suuqa Bakaaraha ka xadeen, iyadoo qaarna ay u dhinteen dhibaatada ay u geysatay aashatadaasi lagu shubay jirkooda, qaarna ay naafaysay, oo ka dhigtay kuwa aan shaqeysan karin, oo haatan ka tuugsada jidadka magaalada Muqdisho..
Waxaa iyadana xusuus mudan Cabdulqaadir Iimaan, oo ah nin u dhashay beelaha Jareerweyne, oo beeralay ah, oo beertiisa ay ku tiil geed mirood noocyadiisa kala duwan, sida cambaha, mooska, liinta iyo naarjiinka, ayaa niman hubaysan oo ka soo jeeda beelaha jileeca ah ee hubaysan, intay ugu yimaadeen beertiisa oo ku taal tuulada Helashiid ee degmada Jilib, ku yiraahdeen, waryaa beerta ka bax, addoonyahow, markuu yiri maxaa dhacay, beerta waa beertayda sideen ugu baxaa, hadii aad miro rabtaan iska gurta laakiin beerta ii daaya, waxay ugu jawaabeen rasaas aan loo meel dayin, Cabdulqaadir Iimaan waxay xabbad kaga dhacday, afka, iyadoo sii martay daanka, ilaal isha, Cabdiraxmaan ayaa beertii isaga soo tagay isagoo dhaawac ah, oo daawa la'aana ay ku heshay magaalada Xamar lacag la'aan darteed, waxuuna haatan ku sugan yahay xaalad uusan hadli karin, si fiican uusan wax u arag
haddii aad ogtahay arimahan aan soo sheegnay iyo kuwo kale oo aan laftooda liidan oo ku dhacay dadkaaga(Jareer) ma iloobi kartaa, mise waa dhimbil beerkaaga goorwalba ku gubta, taas oo abuurta, kuna danqata markaa xasuusata?
S'uaasha kale ee lays weydiinaya waxay tahay; haddiiba ay dhaceen arimahan waxashnimada ah, ma jirtaa cid ka hadashay, kuwan Alle ka furtay ee gaystay ciqaabaha ay ku jirto cadaabta adduunka, sida, qof Aadana ah, oo nool, oo weliba haween uur leh ah, inta dab nafta looga qaado, oo aakharo loo diro.
Runtu waxay tahay lama iloobi karo falalkaa argagaxa leh , inta danbiilayaashii gaystay falalakan, oo aan weli aysan qodixi mudin, islamarkaana aanan laga abaal marin falka ay gaysteen, waxaayna galaysaa taariikh madow ee beelaha Jareerweyne soo martay.
Waxaa jira dad badan oo akhristayaasha wabsetkan jiimonet, oo nasoo waydiiy; goorta laga bixin sawirka naxdinta leh ee Faay Maa'uud iyo hadalada wali ku jira ee khuseeya dadkii falalka xun loo gaystay oo ay sheegeen in ay marwalba oo ay arkaan ay ku hayso naxdin wayn iyo xasuus murugo leh, laakiin dadkaasi ma aysan ka fikirin waxa xasuustan dhibka badan keenay cida gaystay sida laga yeeli?
Goormaa ay bogsan danqashada xasuusta marwalba soo noq-noqota?, inkastoo si buuxda jawaabtu u noqon karin mid la sheegi karo, haddana waxaan muran ku jirin in dadkaas oo laga abaal mariyo dhibaatada ay gaysteen ay dadbadan qalbigooda dajin lahay, waxaa muddan in meel walba oo aad joogto aad ka fekerto qaabka dadkaas looga abaalmarin lahaa ciqaabta iyo danbiyadii ay galeen, taas ayaana suuragal ah in ay ku bogsato boogta bogga kaaga taala ee ku danqata xasuusta.
« Back to home page
|