Home  
 
  Gosha  
 
  Heeso  
 
  Wanafrica  
 
  Arab News  
 
  World News  
 
 
BBC 11:00 GMT
BBC 14:00 GMT
BBC 18:00 GMT
Radio Banadir
Voice of America
Somali Radio(USA)
Radio SCERDO
Radio Somali Edmonton

Islamic City
Study Islam
Islamic Books
Holy Qur'an Resources
Quran & Muslims
The Quran Network
Golaha Imaamyada
Prayer Worldwide
The right way to Pray
Learn About Islam
Dugsi Education Center
Somali Sunah
Tafsiirka Quraanka

RTD (Radio and TV Djibouti)



UUR KUTAALLO, AAN LA ILOOBI DOONIN

Kullankii Abwaan Hadrawi iyo Afhayeenka Qowmiyadda Jareerweyne ee Waqoyga Ameerika Ibrahim Akuja

January 15/2009 JMC (JIIMONET NEW) EDMONTON/CANADA

 

Waxaa magaalada Edmonton ee dalka Canada ku kulmay Abwaan Maxamed Ibrahim Warsame oo loo yaqaan Hadrawi iyo Afhayeenka Qowmiyadda Jareerweyne ee Waqoyga Ameerika mudane Ibrahim Maxamed Cabdi (Ibrahim Akuja), waxayna abwaan iyo Afhayeenka ka wada hadleen arimo dhowr ah oo ku saabsan xaaladaha siyaasadeed ee dalka.

Hadaba si aan xog ogaal ugu noqono waxayaabihii ay ka wada hadleen Abwaan Hadrawi iyo Afhayeen Ibrahim Akuja, waxaa inuu suurta gashay inaan waraysi la yeelano, Af-hayeen Ibrahim Akuja oo ku sugan magaaladaasi Edmonton ee dalka Canada, waxaana wareysigan qaadaya Maxamed Faarax (Duurgal) oo ah wariye ka tirsan bahda webka Jiimonet.com, wareysigana waxuu u dhacay sidan:

Duurgal Mudane Ibrahim Akuja, madaama aad adiga tihid Afhayeenka Qowmiyadda Jareerweyne ee Waqoyga Ameerika, waxaad inuuga warantaa, kulankii adiga iyo abwaan Hadrawi iyo muhiimada uu kulankaasi lahaa?

Akuja: Haa walaal Duurgal, marka hore waad mahadsan tahay, kadib, hadaan jawaabta su'aashaada u soo laabto, kullanka aan kulanay aniga iyo abwaan Hadrawi waxuu ahaa kullan aniga qaasatan muhiimad weyn ii lahaa, marka laga eego meel kastaa. Waa marka koowaadee, Hadraawi waxuu ka mid ahaa Xiddiga Sare ee Soomaaliya ee dhanka Fanka iyo suugaanta, waxaan in badan dhegeystay heesihiisa, sidoo kale aan daawaday Rawaayadihii uu sameeyey. Hadraawi ma aheyn Fanaan caadi ah, oo sameeya heeso iyo riwaayado caadi iska ah, ee waxuu ahaan Abwaan heesahiisa iyo rawaayadahiisa ay xambaarsanaayeen xigmado iyo tusaalooyin qoto dheer, kuwaas oo garan karay kaliya, qof aqoon iyo garaadba u biseel, la kulanka shaqsiyaadka noocaas oo kale ahna aad ayey muhiimad weyn iigu leedahay.

Waxaa sidoo kale lakulanka Abwaan Hadrawi ay muuhiimad aad u weyn iigu lahayd, Abwaanka oo wxiii ka danbeeyey Burburkii Soomaaliya, iskiisa isugu howlay, iskiisana isku diray, sidii Soomaaliya nabad loogu soo dabaali lahaa, isagoo aan sheeganeyn koox, xisbi ama beel, ee si wadaniyadnimo ku jirta iskiisa isugu xilsaaray, dadaal weyna u galay, sidii loo soo celin lahaa sharaftii iyo karaamadii Soomaaliya ee Burburtay, Waxaana dadaalkiisa nabadda raadinta ka mid ahaa: Socodaalkii Nabadda ee Abwaanka uu dhulka ugu socdaalay from Jubbada hoose ilaa Waqoyi, iyadoo dad gaaraya kumanaan ay u soo bixi jiraan si ay u arkaan abwaanka una dhageystaan Fariimaha nabada ee uu u siday, waxayna taasi ahyd howl adag oo aan qof caadi ah qaban karin,oo ku dayasho mudan. lakulanka shaqsiga noocaas oo kale ah, waxay ii aheyd mid aad iigula weyn oo muhiimad aad iyo aad u weyn ii laheyd.

Duurga: Afhayeen Akuja, waa runtaa Abwaan Hadraawi Halgankiisa nabad raadinta mid la soo koobi karo maahan, waana shaqsi Ummada Soomaaliya gudaheeda magac weyn ku leh, ee marka aad kullanteen maxaad kawada hadasheen?

Akuja: Runtii kullankeena ma uusan aheyn mid qorsheysnaa, ee waxuu ku dhacay si Alle, meesha aan ku kullanayna waxay aheyd, hotel ay Soomaalida ku leedahay magaalada Edmonton, hotelkaas ayaan qado u raadsaday, waana ka warqabay in Hadrawi uu Edmonton jaago, laakiin halka uu magaalada kaga suganyahay maanan ogeyn, waxaan hotelkii ugu tahay, gabar Somali ah oo aan is naqiinay iyo qofkale oo rag ah oo ku wada  sheekeysanaya meesaska lagu qadeeyo miis ka mid ah, balse aysan hor oo lin wax cunto ah, gabadhii ayaan salaanay, hadana wadaadkii ayaan salaamay, markaas ayey gabadhii igu tiri war Ibrahim, ninkaani waa Abwaan Hadrawi miyaadan aqoon? mar aan isku duubay ayaan garan waayey. halkii ayaan isku salaanay sidii laba ruux oo macriifo aheyd oo muddo kala maqnaa, gabadhii ayaa u sheegtay inaan ahay Afhayeenka Qowmiyadda Jareerweyne ee Waqoyga Ameerica, markaas ayuu isagana ii muujiyey inuu aad ugu faraxsanyahay kulankan aan kulanay, waxaan meeshii nooga bilaawday is wareysi.

Duurgal: Afhayeen Akuja, maadaama aad adiga tihid mas'uul u ololeeyo xaquuqda Qomiyada Jareerweyne, ee tabanaya in xaquuqdoodii la duudsiiyey, arima noocaas ah ma isla soo qaadeen adiga iyo abwaanka?

Akuja: Haa, waan isla soo qaadnay arimaha beelaha la dulmay iyo sida uu u arko magaca otherska, iyo qoobdada 0.5-ka, waxuuna Abwaanka ii sheegay, inuu ka xunyahay in Ummad dhan oo muslim ah, oo Soomaali ah sidaasi loo faquuqo, waxuuna ku tilmaamay, inay tahay fikir Jaahiliya ah, oo aan waafaqsaneen diinta Islaamka iyo Ilbaxnimaduba. Waxuuna ii sheegay Abwaanka inuu meelabadan ka sheegay, inay xaaraan tahay, dulmina tahay in ummad dhan oo Muslim ah, Soomaali ah, lagu tilmaamo waxaysan Raali ka aheyn.

Duurgal: ugu danbeentii maxaad adiga iyo abwaanka isla afgarateen.?

Akuja: Runtii abwaan Hadrawi waxuu igu dhiiri gekiyey inaan ka caajisin, kana niyad jebin raadinta Xaquuqda beelaha dulman, ha noqdeen Jareer, Banaadiri, Gabooye, Barawani, iyo wixii soo raacaba, xaqa mar uun buu dilaacayaa, wauuna intaasi ku daray in barnaamijkiisa nabad raadinta uu kuwa ugu horeeyo ku jiraan in la joojiyo dulmiga lagu hayo beelaha dulman, uu muxaadara kasto uu jeedinayo ka sheegayo, horana ugu sheegay, inay Soomaali simantahay, cidcid ka sareysaana aysan jirin, intaasi kadib waxaan abwaanka kala qoranay telefonada iyo e-mailada si hadii loo baahdo aan u wada xiriirno.

Kaasi waxuu ahaa waraysi aan layeelanay Afhayeenka Qowmiyada Jareerweyne Ibrahim Maxamed Cabdi (Ibrahim Akuja) oo ku saabsan kulan dhaxmaray Abwan Hadrawi iyo Af-hayeen Akuja.

Jiimonet Media Center
jiimo2001@yahoo.com
www.jiimonet.com



Enter Keywords:

Search Engine via Google
Enter Keywords and search


          
Jareer Role Models

Geesiga, Hogaamiyaha, Halyeygii Suldaan Nassib Buundo

Al-Sayid Cabdlkhadir Sheikh Saqawadiin Sheikh Aweys

Faay Jeellow waxay aheyd gabadhii u hurtay nafteeda iyo maalkeeda in lagula dagaalamo gumaysiga Talyaniga.

Halgamaa Maxamed Ramadaan Arbow waxuu ahaa Aasaasihii hogaamiyihii ururka SAMO.

Prof. Xuseen Muse waa Hormuudkii Kuliyadda W. Lafoole, Sanadkii 1984 - 85              Ph.D Holder from United Kingdom

Prof. Cumar Eno aqoon yahan u halgamay beesha Jareer weyne

»              Click here to read more .....


A Trusted Source of News and Information Since 1942. VOA is a multimedia international broadcasting service funded by the U.S. government through the Broadcasting Board of Governors.
Click here to listen: » VOA


Boggaan waxaan oogu tala-galnay in lagu xeyeesiiyo wax alla wixii ganacis ah ama ururo sama fal ah.
Click here to enter


Copyright © Jiimonet 2007