Home  
 
  Gosha  
 
  Heeso  
 
  Wanafrica  
 
  Arab News  
 
  World News  
 
 
BBC 11:00 GMT
BBC 14:00 GMT
BBC 18:00 GMT
Radio Banadir
Voice of America
Somali Radio(USA)
Radio SCERDO
Radio Somali Edmonton

Islamic City
Study Islam
Islamic Books
Holy Qur'an Resources
Quran & Muslims
The Quran Network
Golaha Imaamyada
Prayer Worldwide
The right way to Pray
Learn About Islam
Dugsi Education Center
Somali Sunah
Tafsiirka Quraanka

RTD (Radio and TV Djibouti)



UUR KUTAALLO, AAN LA ILOOBI DOONIN

Midnimooy maxaa tahay?
Qudbaddii Prof. Xuseen Muuse
Ex Dean Kulliyadda Waxbarashada Lafoole

May 10/07.

KHUDBADII PROFASER XUSEYN MUUSE CALI KEDIYE [OO DHAMEESTIRAN]

THE SPEECH OF PROF HUSSEIN MUSSA ALI KEDIYE

(IN FULL TEXT)

Qaybaha khudbadda (Speech contents
I. Eray hordhac ( foreward )
II. Midnimooy maxaa tahay ?
III. Midnimooy maxaad gashgaa ?
IV. Midnimooy sideed ku dhalataa ?
V. Maxaa looga fadhiyaa GMQJ ? ( Roles and functions of G J R U C )
VI. HALQABSIGEYGA (Personal Motto)
VII. GEBOGEBO
My speech at the conference
(The text in full)

I. Eray hordhac (Foreword)

Martida sharafta leh: Waxaan u soo jeedinayaa dhallinyaradii iyo duqowdii isku taxallujisay hal abuurka golahaan iyo qabanqaabada shirka furitaankiisa bogaadin iyo hambalyo kal iyo laab ah. Waxaan rabaa hal iyo labo inaan ka dhaho erayga midnimo = Unita, waxay tahay waxay gasho iyo waxay ku dhalato.

II. Midnimooy Maxaad Tahay? Dabcan waa hal ahaansho; hasayeeshee qeexisteedaan tooska ah waxaa ka mug weyn waxa ay ku soo rideyso qofka (what it connotes). Waxay ku soo rideysaa: i. Towfiiq ama muwaafaqo: Midnimo Kama jirto meelaan towfiiq ka jirin; Towfiiqna kama jirto meelaan midnimo ka jirin. ii. Heshiis (conciliation) :Meeshii heshiis ka jiro waa meel towfiiq iyo midnimo ka jiraan ugu yaraan aragti ahaan (at least view wise).

III. Midnimooy Maxaad Gashaa? Si kale hadaan u dhigo su’aasha midnimooy maxaad saynta ku jiideysaa ood hiigsani (What does it entail?) Strenghth ( xoog) ????? ? ?? ? towfiiq heshiis iyo guul oo dhan oo dhan walba leh ( achievements in all aspects) sida:

a) Helidda xaquuqda dadnimo (social human rights)
b) Horumar:
b1= ilbaxnimo bulshadeed (progress in social civilization)
b2= siyaasadeed iyo
b3= dhaqaaleed.
b4= IWM.

Labo tusaalooyin oo marqaati gal u ah guul galka midnimo iyo guuldarrada tafaraaruqa (midnimo la’aan) :
1.Midimadii USC-da waxay keentay rididdii rajiimkii militari ee S.Barre (Guul).
2.Tafaraaruqii U S C-da waxay soo hooyisay guuldarrooyinka ka taagan waddanka ilaa yowminaa haadaa (10-05-07).

Jaantus: Midnimo USC

USC-SNA USC-SSA
SAMO-SNA SAMO-SSA
SDM - SNA SDM -SSA
SNU -SNA SNU - SSA
USC - PM

Barbardhig SYL iyo guusheedii lagu gaaray midnimadii 13 kii dhallinyaro
2. Mareykanka Madow (Black Americans
Mareykan Madow waa dadyow soo maray marxalado adag, waxaana loogu yeeri jiray magacyo kala duwan, sida:
Slaves?
Negroes?
Blacks?
African Americans?

Kadib halgan dheer iyo midnimo waxay ku guuleesteen in ay la mid noqdaan caddaankii gumeysan jiray. Horumarkooda dhan walba waa marqaati ma doonto. I

V. Midnimooy Sideed Ku Dhalataa?

Midnimadu way dhalataa ee looma dhasho (unity is not intrinsic) Midnimadu waxaa dhaliyo dadka (unity making) waxaana dhowra dadka (unity keeping). Midnimadu waxay ku dhalataa dariiqooyin badan oo ay ka mid yihiin:

a) Dariiqa waxbarasho iyo wacyigelin (through education and mass Orientation).

b) Dariiqa jajuubidda (through coersion).

Waxaase dhaxalgal ah dariiqa (a) Qofku waa ku cadow waxuu jaahil ka yahay

V. Maxaa Looga Fadhiyaa Golohaan?

(Roles And Functions Of The Council)
Si kooban waxaa looga fadhiyaa golluhu inuu u qumo mirana ka dhaliyo afar arrimood intuba:
1. Ka xureynta xaqiraadda heysato Jareerweyne.
2. Mideynta beelaha Jareerweyne
3. U howlgalka mideynta beelaha bahweynta Soomaaliyeed iyo
4. La midowga Jareerweyne beelaha bahweynta Soomaaliyeed.

Waa maxay xaqiraadda ama dulunka ku sugan yihiin beelaha Jareerweyne Way tiro badan yihiin dulunka iyo yasidda la kulmaaan beelaha ka tirsan qowmiyaddan.

Waxaan ka xusayaa dulankii lagu xaqiray qowmiyaddan soo jireenka ah dulankaas oo ah kii ugu dambeeyay silsiladda dulanka Sida la tahay qowmiyada Jileecweyne beelaha Jareerweyne oo lagu daray tiro beelo kale ah waxaa loogu waqlalay magaca Others waxay kaloo yiraahdeen wadarta beelaha Otherska ma dhama 1 beel ee waa nus beel ( 0.5 ).
[This is the biggest mistake in the 21st century applied socially and politically on the so called others. It is unforgettable, unforgivable and absolutely unacceptable]

VI. Halqabsigeyga (Personal Motto)

Taariikhda waxaa beddelo qof ama koox , Noqo qofka ama ka mid noqo kooxda.

VII. Gebogebo
Waxaan mar labaad u duceynayaa dhallinyaradii (youths) iyo odiyaashii (elders) ku guuleystay aqoonsashada BOOGTA Jareerweyne oo ah nusqaanka(0.5) iyo midnimo la’aanta ( disunity ) .
Daaawo u helidda boogta wey ka adag tahay ogaanshada boogta wayna ka qarash badan tahay, Sidaa si la’ eg in la yiraahdo waan nusbixinayaa waana mideynayaa beelaha qowmiyadda Jareerweyne wey ku fudud yihiin dhihida
It is easy said than done,
Tra dire e fare e un mezzo mare)

Hasayeeshee waxaan ku gunaanadayaa hadalkeyga in tallaabada la qaaday ay tahay baraarujin xaq ah xaq dhicisna ah loona qaaday dhanka :

JAREERWEYNOOW TOOSOO TOOSOO ISKU TIIRSADO OO, HADBA KIINNA TAAG DARANEE TAAGEERA WELIGIINEEY.




Enter Keywords:

Search Engine via Google
Enter Keywords and search


Jareer Role Models

Geesiga, Hogaamiyaha, Halyeygii Suldaan Nassib Buundo

Al-Sayid Cabdlkhadir Sheikh Saqawadiin Sheikh Aweys

Faay Jeellow waxay aheyd gabadhii u hurtay nafteeda iyo maalkeeda in lagula dagaalamo gumaysiga Talyaniga.

Halgamaa Maxamed Ramadaan Arbow waxuu ahaa Aasaasihii hogaamiyihii ururka SAMO.

Prof. Xuseen Muse waa Hormuudkii Kuliyadda W. Lafoole, Sanadkii 1984 - 85 Ph.D Holder from United Kingdom

Prof. Cumar Eno aqoon yahan u halgamay beesha Jareer weyne

» Click here to read more .....


A Trusted Source of News and Information Since 1942. VOA is a multimedia international broadcasting service funded by the U.S. government through the Broadcasting Board of Governors.
Click here to listen: » VOA


Boggaan waxaan oogu tala-galnay in lagu xeyeesiiyo wax alla wixii ganacis ah ama ururo sama fal ah.
Click here to enter


Copyright © Jiimonet 2007