Home  
 
  Gosha  
 
  Heeso  
 
  Wanafrica  
 
  Arab News  
 
  World News  
 
 
BBC 11:00 GMT
BBC 14:00 GMT
BBC 18:00 GMT
Radio Banadir
Voice of America
Somali Radio(USA)
Radio SCERDO
Radio Somali Edmonton

Islamic City
Study Islam
Islamic Books
Holy Qur'an Resources
Quran & Muslims
The Quran Network
Golaha Imaamyada
Prayer Worldwide
The right way to Pray
Learn About Islam
Dugsi Education Center
Somali Sunah
Tafsiirka Quraanka

RTD (Radio and TV Djibouti)



UUR KUTAALLO, AAN LA ILOOBI DOONIN

Jareer Role Models

Geesiga, Hogaamiyaha, Halyeyga Suldaan Nassib Buundo

Waan ka xunahay inaysan noo suuragelin inaan helno sawirka Geesigii Goshaland, Halyeygii Shanta Shanbaro ee Jareerweyne Suldaan Bassib Buundo, hase yeeshee: waxaynaan marnaba iloobi karin, Halgankii Halyeyga Nasiib Buundo.

Waxaan sawirka libaaxa u soo qaadanay, Suldaan Bassib ayey libaaxa wadaagan xagga geesinimada, dagaaliyahannimada iyo adadeegga.Suldaan Nassib Buunde, waxuu ahaa halyey gumaysi diid ah, haduu noqonlahaa gumisaga madoow iyo kan caddaanka ahba.

Suldaan Nassib Buundo, waxuu dagaallo qaraaar la gallay Talyaaniga, isagoo Talyaaniga ka horna dagaalo kula jiray beelaha Soomaalida ee xoolajirta ah. Suldaan Nassib Bunde ayaa ku dhintay xabsi Talyaaniga uu ku lahaa Mogadisho, kadib markii uu Talyaniga cuntada sun ugu daray, Waxaana la aamin sanyahay, Suldaan Nassib, Buunde, in ay shirqooleen colooshood u shaqeytalaal ka soo jeeday beelaha Jileeca ah, oo Boqor Nassiib ka dhaxeysay loolan xagga degaanka Jubbooyinka. Geesiga Suldaan Nassiib, waa halyey ku dayasho mudan

==================================================

Al-Sayid Cabdlkhadir Sheikh Saqawadiin Sheikh Aweys

Maskaxdii ka danbeysay Xuriyadda gobolada Koofireed ee Soomaalia. Assaasihii iyo Hogaamiyihii Ururkii SYL ee suurta geliyey Xuriyadda dalka Soomaaliya Al Sayid Cabdulqaadir Sheikh Saqawaddiin Sheikh Aweys. Cabdulkhaadir Sheikh Saqaawadiin Sheikh Aweys waxaanu ku xasuusanaa inuu ahaa, maskaxdii ka danbeysay, madaxbanaanida gobolada Koofireed.

Cabulkhaadir Sh. Saqawadiin waxuu ahaa maskaxdii ka danbe alifaadda Calanka Jamhuuriyadda Soomaaliya ee baluuga ah ee xiddigga cad ee shanta gees leh dhexda kaga yaal. Allah u naxariistee Al- Sayid Cabdulkhadir Sheikh Saqawadiin Sheikh Aweys, waa halyey u dhashay beelaha Jareerweyne, waana halyey ku dayasho mudan.

==================================================

Faay Jeellow

Faay Jeelle, waa gabar ka soo jeeddo beelaha Jareer weyne, waxayna ku dhallatay gobolka Shabeelaha, marwo Faay Jeelle, waxay aheyd gabadhii u hurtay nafteeda iyo maalkeeda in lagula dagaalamo gumaysiga Talyaniga.

Waxaan marna iloobi karin, oo u baahan inaan xasuusano, dahabkii faraha badnaa ay gabadheena Faay Jeele ku bixisay la dagaalanka Gumaysiga Talyaaniga iyo beelihii Jileeca ahaa ee u soo hanqal taagi jiray deegaanada beelaha Jareerweyne, xiligii xuriyadda ka hor.
Allah u naxariistee, Faay Jeele waa waddaniyad ku dayasho mudan.

==================================================

Halgamaa Maxamed Ramadaan Arbow

Maxamed Ramadaan Arbow, waxuu ahaa Aasaasihii hogaamiyihii uruka SAMO. Arbow, waxuu ahaa Geesi aan ganban, aqoonyahan isaga filan xagga aqoonta iyo garaadkaba, waxuu intaasi ku darsaday codkarnimo iyo xigmad.

Arbow, ayaa hoggaankiisa ku soo toosay, xilligii xagga nabad gelyada ugu xumayd ee dalka soo marta, xilli ay xabbad maahee ay xigmadfdu shaqeyneeyn, hase yeeshee Arbow waxuu xiligaasi muujiyey geesinimo aan marna la iloobi karin, isagoo 1994-kii xamar ka abaabulay banaanbixii ugu balaarnaa, ebed, ay beelaha Jareerweyne ku soo banaabaxaan, banaabaxaas oo loogu magacdaray Socdaalkii Nabdda, ayadoo markaasi dadkii ka qeybgalay socdaalkaasi, ay kor u dhaafeen ilaa 20 000, oo ka koobnaa beesha Jareerweyne oo kaliya, socod dheer ku maray wadada Maka Al Mukarama Jareerweyne oo kaliya, socod dheer ku maray wadada Maka Al Mukarama..

Xilliga banaabaxaasi waxuu dalka jooga UNISOM, ujeedada uu Arbow banaabaxaasi uu ka lahaa ayaa ehyd laba ujeedo, midda kowaad in Jareer ay nabadda taageersan tahay, iyo in beesha Jareer aysan aheyn beel tiri yar, maxaa yeelay tiro intaasi la eg oo xiligaasi is soo bixi karto way adkeed.
Allah u naxariistee marxuum Maxamed Ramadaan Arbow waxuu xijaabtay 2001-kii, waxaana loo sameeye aas Qaran. Arbow waa geesi ku dayasho mudan

==================================================

Aqoonyahanka ku Dayashada Mudan

Xuseen Muuse Cali Kadiye waa nin ku dhashay Gobolka Hiiraan kun koray Hiiraan, isla markaana wax ku bartay dalka gudihiisa iyo dibaddiisaba. Xuseen Muuse wuxuu ka mid ahaa ardeydii beri hore ka baxday kuliyaddii waxbarashada Lafoole. Wuxuu ku soo noqday isla kuliyaddii uu ka baxay wuxuuna billaabay inuu wax ka dhigo kuliyadda cilmiga Biology, ka dibna halgan aad u weeyn iyo dadaal ayuu sameeyay si uu ugaaro inuu xukumo departemnt ama Faculty of Biology oo dhan.

Xuseen Muuse wuxuu waxbarasho dibadeed ka helay dalka Ingiriiska kuna soo diyaariyay shahaadada ugu sareeys oo loo yaqaano Ph.D. Markuu dalka kusoo noqdayna wuxuu kusoo laabtay facultigiisii hore ee Biologiga. Xuseen Muuse waxaa loo magacaabay inuu Hormuud ka nodo dhamaan Kuliyadda Magaca leh "Kuliyadda Waxbarashada Lafoole".

Xuseen wuxuu joogaa ilaa iyo hadda wadankiisa hooyo, wuxuuna wax taraa dadka uu asal ahaan ka soo jeedo. Xuseen Muuse wuxuu ka mid yahay dadka runtii indheer garadka ah ee u baahan wadanka Soomaaliya.

==================================================

Aqoonyahanka ku Dayashada Mudan

Prof. Cumar Eno waa aqoon yahan u halgama beesha Jareer weyne. Prof. Cumar Eno waa nin ka dhashay qowmiyadda Jareer weeyn una dooda xuquuda dadkiisa. Waa nin wax ku bartay wadankiisa hooyo iyo wadammada reer galbeedka ....

Prof. Cumar Eno waa nin weligiisaba u horseedi jiray dadkiisa in ay wada jir waxkuwada qabsadaan isla markaana ay ku dadaalaan siddii aay meel ooga soo wada jeesan laheeyn. Mr.Eno wuxuu dhowr mar ka jeediyay dooda badan uu kaga hadlaayo xuquuqda dadkiisa iyo degaankiisaba.

« Back to home page



Enter Keywords:

Search Engine via Google
Enter Keywords and search


Jareer Role Models

Geesiga, Hogaamiyaha, Halyeygii Suldaan Nassib Buundo

Al-Sayid Cabdlkhadir Sheikh Saqawadiin Sheikh Aweys

Faay Jeellow waxay aheyd gabadhii u hurtay nafteeda iyo maalkeeda in lagula dagaalamo gumaysiga Talyaniga.

Halgamaa Maxamed Ramadaan Arbow waxuu ahaa Aasaasihii hogaamiyihii ururka SAMO.

Prof. Xuseen Muse waa Hormuudkii Kuliyadda W. Lafoole, Sanadkii 1984 - 85 Ph.D Holder from United Kingdom

Prof. Cumar Eno aqoon yahan u halgamay beesha Jareer weyne

» Click here to read more .....


A Trusted Source of News and Information Since 1942. VOA is a multimedia international broadcasting service funded by the U.S. government through the Broadcasting Board of Governors.
Click here to listen: » VOA


Boggaan waxaan oogu tala-galnay in lagu xeyeesiiyo wax alla wixii ganacis ah ama ururo sama fal ah.
Click here to enter


Copyright © Jiimonet 2007