|
Milateriga Kenya oo xabsi dhigay sarkaal ka tirsan ciidamada dowlada KMG Somalia ee ka dagaalama gobolada Jubooyinka
March 17/2012
Sarkaalka la xiray oo magaciisa lagu sheegay Faarax Xirsi Aar ayaa ciidamada Kenya waxay ka kaxeeyeen degaanka Qooqaani ee gobolka jubada hoose, iyagoo ku xiray saldhig ciidan oo ku yaala degaanka Liboya oo ku yaala dalka kenya kuna dhow xadka uu la wadaago dalka Somalia.
Si rasmi ah looma oga sababaha ciidamada Kenya u xireen sarkaalkaasi ka tirsan ciidamada dowlada KMG Somalia hase ahaatee warar laga helayo degmada Dhoobley ayaa sheegaya in xarigiisu uu yimid ka markii isaga iyo ciidamada Kenya ay isku maandhaafeen qaabka dagaal gelinta ciidamada ee howgalada ka socda Jubooyinka.
Qaar ka mid ah saraakiisha ciidamada DKMG Somalia ee gobolada juboyinka ayaa sheegaya in ay socdaal dedaalo nabadeed oo lagu soo doonayo sii deynta sarkaalkaasi kuwasoo ay wadaan saraakiisha ciidamada dowlada KMG Somalia ee jooga gobolada jubooyinka hase ahaatee lama oga sida dedaaladaas ay u guuleysan doonaan.
Waa markii ugu horeysay ee la maqlo in saraakiil ka tirsan ciidamada DKMG Somalia ay xabsiga dhigeen ciidamo Kenyan ah, waxaana arintani ay ku soo aadeysaa xilli ciidamada labada dowladood ee Somaia ay Kenya ay gobolada Jubooyinka iyo Kenya ka wadaan howlgalo goboladaas looga saarayo dagaalyahanada Al-shabaab ee ka horjeeda
 
****************
 
|