|
Madaxweynaha Soomaaliya oo Dagaal Culus aan horey loo arag Iclaamiyay iyo Dhaq Dhaqaqayo Ciidan oo Durba Muqdisho kabilowday
Oct. 03/2011
Mogadidho:Madaxweynaha Dowlada KMG ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmad ayaa Dagaal Cusub Iclaamiyay isagoona sheegay in mar dhaw ay dib u bilaabanayan Dagaaladiia y Ciidanka Dowlada iyo kuwa AMISOM kula jireen Xarakada Al-Shabaab.
''Ciidanka Dowlada iyo kuwa AMISOM hala socdeen waxaa bilaabanyaa Dagaal culus oo Dalka looga saarayo Al-Qaacida iyo Al-Shabaab oo shacabka dhib badan kuhaya Dagaalkas oo si wadajir ah uga bilaaban doono guud ahaan Dalka Soomaaliya'' sidaana waxaa shaaciyay Madaxweyne Shariif.
Madaxweyne Shariif Sheekh Axmad oo kulul looga hadlayay sidii loo dadajin lahaa Qorshaha Dagaal ee Shababa Dalka looga saarayo waxa uu la qaatay Saraakiisha Ciidanka Dowlada KMG ee Soomaaliya iyo kuwa AMISOM isagoona ugu baaqay in la dadajiyo Dagaalka ka dhanka ah Xarakada Al-Shabaab iyo Al-Qaacida.
Madaxweynaha ayaa sheegaya in Dagaalkan culus ay Shabaab la galayaan uu noqon doono mid wax badan ka badaln kii hore ayna Dowlada iyo AMISOM ay dhawaan soo afjari doonaan Xarakada Al-Shabaab iyo Al-Qaacida.
Hadalka Madaxweynaha aya akusoo adaya xili saacadihii ugu danbeeyay ee Magaalada Muqdisho kasoconayaan dhaq dhaqqaayo Ciidan ee wadaan ciidanka Dowlada KMG ee Soomaaliya kuwaa oo qorsheenaya in saacadaha soo aadan ay Dagaal ku tagaan Degmada Balcad iyo Deegaanada loo barakacay sida Deelasha biyaha iyo Lafoole
www.jiimonet.com
*********************
 
|