|
Wadamada gobolka oo ku heshiiyay in Alshabaab meel looga soo wada jeesto
November 16/2011
Nairobi: Kenya - Shir madaxeedkii saddex geesoodka ahaa ee maanta uga furmay magaalada Nairobi, madaxweynayaasha Soomaaliya, Kenya iyo Uganda - Shariif Shiekh Axmed, Mwai Kibaki iyo Yuweri Museveni ayaa la isku afgartay in la sii wado hawlgalka military ee sadexda dawladoodba ay kula dagaalamayaan xarakada Alshabaab
War saxaafadeed laga soo saaray shirka ayaa sidoo kale lagu sheegay in lagu heshiiyay in Kenya ay ciidamo ugu deeqdo hawlgalka AMISOM, lagumana qeexin warsaxaafadeedka in ciidamada Kenya ee haatan ku sugan Soomaaliya ay yihiin kuwo ay Kenya ku deeqday.
Waxaana qoraalka lagu tilmaamay in ciidamada Kenya ee galay gudaha Soomaaliya ay u tahay fursad taariikhi ah gobolka iyo sidii xasiloonida loogu soo celin lahaa Soomaaliya.
Waxaana la isku afgartay in la xoojiyo wada shaqaynta ka dhexaysa ciidamada DKMG ah ee Soomaaliya, kuwa AMISOM iyo ciidamada Kenya ee ku jira dalka si loo jabiyo xarakada Alshabaab.

Qoraalka ka soo baxay shirkii maantay ayaa lagu xusay sida ay wadamada gobolku u qadarinayaan go’aanka ay Jabuuti ciidamada ugu soo dirayso Soomaaliya.
Hogaamiyayaasha ayaa ugu baaqay wadamada Afrikaanka ah ee ciidamada u ballan qaaday hawlgalka AMISOM inay kasoo baxaan ballanqoodkooda ayna si degdeg ah u soo diraan ciidamada dhiman.
AMISOM ayaa horay waxaa uga joogay magaalada Muqdisho ciidamo gaaraya 9,700 askari, kuwaasoo dhammaantood ka yimid wadamada Uganda iyo Burundi.
Heshiiska maantay ay gaareen hogaamiyayaasha Soomaaliya,Kenya iyo Uganda ayaa noqonaya mid si toos ah u soo afjaray madmadowgii soo kala dhex galay Kenya iyo madaxweyne Shariif markii uu ka biyo diiday galitaanka ciidamada Kenya oo uu ku tilmaamay mid aysan aqbali Karin dawlada iyo shacabka Soomaaliyeed.
www.joomonet.com
*********************
   
|