|
Waxgarad ka soo jeeda beelaha Jareeweyne ee dega Jubbooyinka oo magaalada Nairobi ku qabtay Shir-jiraa’id.
February 1/2012 Waxgarad ka kooban Aqoonyahano, Siyaasiin, Culuma’udiin Odey-dhaqameedyo, Saraakiil kuwaas oo isugu jira dhalinyaro iyo odayaal, ayaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya ku qabtay Shir-Jiraa’id (Press Conference)oo ay goobjoog ka ahaayeen Saxaafadaha Caalamiga iyo kuwa localka ee dalka Kenya.
Shirkaan Jaraa’id ayaa dhacay kadib, markii ergooyin gaaraya ilaa 120 xubnood ee ka soo jeeda beelaha Reer-Goleed ee Jareerweyne ay muddo laba maalmood ah shir uga socday magaalada Mambaasa, shirkaasi oo looga hadlayey xaaladaha siyaasadeed, kuwa nabad gelyo-darro iyo macluusha ka jirta dalka Somaaliya, iyo doorka ay beesha reer goleed kaga aadan sidoo xal loogu heli lahaa dhibaatooyinkasi, gaar ahaan deegaan Gosha ee beesha ku abtirsato.
Shirkaan ayaa sidoo kale lagu falaanqeeyey sida ay beesha Reer-Goleed siyaasad ahaan iyo amni ahaanba ugu diyaargaroobi lahayd waqtiga dhow ee ku aadan xiliga kala-guurka dowladda Kmg. iyo sidii dadka ree goleedka ay deegaanadooda baaxadda weyn ee barwaaqada badan ay aayahooda ugu tashani lahayeen.
Korneel Salax Makoma oo ka mid ahaa siyaasiinta waaweyn ee shirkaasi ka soo qeyb galay, oo u waramayey Universal TV, ayaa sheegay, in shirkii beesha Reer Goleed ee ka dhacay magaalada mombassa, ujeedooyinkii laga lahaana laga gaaray, waxuu korneelka intaasi ku dray, in shirkaasi lagu doortay Guddiga Siyaasadeed oo gudoomiye looga dhigay Korneel Saalax, iyo iyadoo beesha ay dooratay Suldaan ka arrimiya dhanka dhqanka, iyadoo Suldaanka beesha reer Goleed, iyadoo suldaanka beesha loo Caleema Saaray Suldaan Abayle.

Korneel Saalax ayaa Beesha Caalamka iyo dowladda Kmg. ee Somaliya ka codsaday in xuquuqda beesha aan la duudsiin mar kale, hadey noqon laheyd xaquuqda ay beesha ku leedahay DOWLADDA dhexe, iyo mid deegaaneed toona, sidoo kale, maamul aan beeshaasi reer Goleed aan lagala tashan aysan ka hirgeli doonin deegaankaasi Jubbooyinka.
Korneelka oo hadalkiisa sii watay ayaa sheegay; in shirka Mombassa uu hordhac u yahay shirara badan ay beesha dhowaan yeelandoonto, kaasi oo diiradda lagu saari doono sida ay beesha ayaaha deegaankooda Gosha uga tashani lahaayeen.
Waxaa sidoo kale shirkaasi ka hadlay Suldeaanka Cusub suldaan Abayle, isagoo beelaha dereska ka codsaday inay dhowraan deriswanagga layskana ilaaliyo xadgudubyada.
Waxaa sidaasi oo kale Shirkaasi Jaraaid ka hadlay waxagarad farabadan, oo dhamaantood fariimo u dirayey Beesha Caalamka iyo Dowladda Kmg.ee Somalia iyadoo farmiimankaasi badigood ahaayeen Xaquuqda Beesha Jareerwyne ay ku leedahay Dowladda Dhexe iyo tan Gobolada Jubbooyinka in aan la dafiri karin, waxayna hoosta ka xariiqeen in beelaha ama kooxaha u soo hanqaltaagaya deegaanka Gosha inay boobaan aan marna laga yeeli doonin.
www.jiimonet.com
 
****************  
|