|
Diyaarado duqeeyay Saldhiga Shabaab ay ku leeyihiin Jubbooyinka
November. 24/2011
Taabto: Diyaarado dagaal oo aan la garanayn halka laga leeyahay ayaa maanta duqeymo xoogan ka gaystay deegaano ka tirsan gobolka Jubbada hoose.
Sida ay xaqiijinayaan goobjoogayaal ku sugan deegaanka Taabto ee degmada Afmadow ee gobolka Jubbada hoose, diyaarado dagaal oo halka laga leeyahay aan la’ogayn ayaa waxa ay duqeymo ka gaysteen inta u dhaxaysa deegaanka Taabta iyo Qooqaani ee gobolka Jubba hoose.
Goobta la duqeeyay ayaa lagu sheegay inay aheyd Saldhig ay leeyihiin Al Shabaab, waana meel baadiyo ah oo u dhaxaysa Taabta iyo Qooqaani, halkaasi oo la sheegay in saakay ilaa duhurnimadii maanta ay dul hee haabayeen diyaarado dagaal oo markii dambe gantaalo ku garaacay halkaasi.
Si dhab ah looma ogaan karo qasaaraha dhimasho iyo dhaawac ee halkaasi kasoo gaaray Ciidamada Al Shabaab, mana jiraan wax war ah oo kasoo baxay cidda ka dambeysa duqeynta diyaaradeed ee maanta loo gaystay deegaano ka tirsan gobolka Jubbada hoose.
Gobolada Jubbooyinka iyo Gedo ayaa maalmihii u dambeeyay waxaa ka dhacayay duqeymo ay gaysanayeen diyaarado laga leeyahay dalka Kenya, iyadoo howlgalladaasi ay qeyb ka tahay mid lagu burburinayo Al Shabaab.
xigasho: shabelle.com
 
****************
 
|