Home  
 
  Gosha  
 
  Heeso  
 
  Wanafrica  
 
  Arab News  
 
  World News  
 
 
BBC 11:00 GMT
BBC 14:00 GMT
BBC 18:00 GMT
Radio Banadir
Voice of America
Somali Radio(USA)
Radio SCERDO
Radio Somali Edmonton

Islamic City
Study Islam
Islamic Books
Holy Qur'an Resources
Quran & Muslims
The Quran Network
Golaha Imaamyada
Prayer Worldwide
The right way to Pray
Learn About Islam
Dugsi Education Center
Somali Sunah
Tafsiirka Quraanka

RTD (Radio and TV Djibouti)



UUR KUTAALLO, AAN LA ILOOBI DOONIN

Prof. Dalxa: "Magaalada Muqdisho qiimihii ay lahayd iyo magac xumada maanta adduunka u martay dhallinyarada reer Muqdisho ayaa laga doonayaa inay dib u soo celiyaan..."

May 07/2011

Prof. Maxamed Cumar Dalxa: "Magaalada Muqdisho qiimihii ay lahayd iyo magac xumada maanta adduunka u martay dhallinyarada reer Muqdisho ayaa laga doonayaa inay dib u soo celiyaan..."

Xildhibaan Prof. Maxamed Cumar Dalxa oo ka mid ah Mudanayaasha ugu cadcad Golaha Baarlamaanka laguna yaqaano had iyo goor inuu u ololeeyo arrimaha bulshada iyo sidii ay kor ugu qaadi lahayd dhinacyada horumarka, nabadda iyo midnimada ayaa isagoo ku sugan magaalada Muqdisho waxa uu baaq dhiilo xambaarsan u diray dhallinyarada Soomaaliyeed, gaar ahaan dhallinyarada Muqdisho.

Qiimaha ay dhallinyarada adduunka leeyihiin iyo in lagu yaqaano kuwo had iyo goor ka shaqeeya wanaagga, ayuu sheegay Prof. Dalxa inay maanta nasiib darro tahay dhallinyarada Soomaaliyeed taasi bedelkeeda in loogu yeero amaba adduunka ay u martay magac xumo iyagoo lagu magacaabayo dhallinyarada Soomaaliyeed burcad badeed, Al-Shabaab, maleeshiyo iwm.

"Magaalada Muqdisho qiimihii ay lahayd iyo magac xumada maanta adduunka u martay dhallinyarada reer Muqdisho ayaa laga doonayaa inay dib u soo celiyaan" ayuu yiri Xildhibaanka oo sheegay in magaalada Muqdisho loogu yeeri jiray magaaladii quruxda, Lu'lu'adii geeska Afrika iyo magacyo kale, hase yeeshee waxa uu sheegay in maanta loogu yeero magaaladii cabsida, magaaladii wasaqda, iyo magacyo kale.

Waxa uu sheegay in xilliyadii hore dadkii joogay magaalada Muqdisho marka ay is wareysanayaan ay dhihi jireen 'Xamar Xalwo iyo Xaraar keen waa xaalka xamar yaalla' wuxuuna Prof. Dalxa uu sheegay in maanta magaalada Muqdisho loogu yeero magaaladii xabadda iyo xasuuqa, isagoona sheegay in dhallinyarada Muqdisho looga fadhiyo magacyadaas xun iyo astaamaha dhaqan doorsoomay ay dib ugu soo celiyaan magacyadeedii wanaagsanaa.

Dhinaca kale Xildhibaanka Barfasoorka ah ayaa sheegay in waxyaabaha ugu yaabka badan ee Muqdisho ka dhacay ay tahay in qashinka aan la qaadi karin, qofkii arrintaas isku dayana naftiisa la dhaafinayo, halka xilligii hore haddii aad wadada dhexdeeda qob moos ku tuurto Minishiibiyo ganaaxi jirtay qofkaas, wuxuuna tacsi u diray haweenkii iyagoo wasaqda iyo qashinka ka qaadaya waddooyinka Miino lagu qarxiyay halklaasna haweenka ay ka soo gaartay dhimasho iyo dhaawacyo, wuxuuna Xildhibaan Dalxa sheegay in taariikhda ay xusi doonto haweenkaas dhibaatada ku mutay iyagoo si mutadawacnimo hayay howlo dan guud ah.

xigasho:hiiraan online
 

*********************






Enter Keywords:

Search Engine via Google
Enter Keywords and search


          
Jareer Role Models

Geesiga, Hogaamiyaha, Halyeygii Suldaan Nassib Buundo

Al-Sayid Cabdlkhadir Sheikh Saqawadiin Sheikh Aweys

Faay Jeellow waxay aheyd gabadhii u hurtay nafteeda iyo maalkeeda in lagula dagaalamo gumaysiga Talyaniga.

Halgamaa Maxamed Ramadaan Arbow waxuu ahaa Aasaasihii hogaamiyihii ururka SAMO.

Prof. Xuseen Muse waa Hormuudkii Kuliyadda W. Lafoole, Sanadkii 1984 - 85              Ph.D Holder from United Kingdom

Prof. Cumar Eno aqoon yahan u halgamay beesha Jareer weyne

»              Click here to read more .....


A Trusted Source of News and Information Since 1942. VOA is a multimedia international broadcasting service funded by the U.S. government through the Broadcasting Board of Governors.
Click here to listen: » VOA


Boggaan waxaan oogu tala-galnay in lagu xeyeesiiyo wax alla wixii ganacis ah ama ururo sama fal ah.
Click here to enter


Copyright © Jiimonet 2007