|
Diyaaradaha Dagaalka Dalka Kenya oo Deegaanka Hosingow duqeeyay iyo Cidamada is garabsanaaya oo ku wajahan deegaano ka mid ah Jubadda Hoose.
February 1/2011.
Diyaaradaha Dagaalka Dalka Kenya oo Deegaanka Hosingow duqeeyay iyo Cidamada is garabsanaaya oo ku wajahan deegaano ka mid ah Jubadda Hoose.
Wararka ka imaanaya Deegaanka Hosingow ee Gobolka Jubada Hoose ayaa sheegaya in diyaaradaha dagaalka Dowladda Kenya ay duqeeyeen Deegaanka Hosingow oo ay ka taliyaan Al-Shabaab.
Diyaaradaha dagaalka ee Kenya oo isugu jira nooca Helicopter-ka iyo nooca Miiga loo yaqaan ayaa duqaymaha loo gaystay deegaankaasi ka qeyb qaatay, iyadoo dadka deegaankaasi ay cadeeyeen in halkaasi ay ku dhaceen gantaalo dhowr ah.

Kenya ayaa maalmihii ugu dambeeyay duqeynaayay deegaanda ay ka arimiyaan xarakada Al-Shabaab, waxayna Miletiriga Kenya sheegeen inay laba jibaarayaan dagaalada ay ku qaadayaan fariisimada Al-Shabaab ay kaga sugan yihiin gobolada Koonfureed ee dalka Soomaaliya.
Al-Shabaab ayaa la sheegay in ay isaga baxeen degmada Badhaadhe oo ka tirsan Gobolka Jubada Hoose, waxaana la sheegayaa inay halkaasi ku wajahan yihiin ciidamada dowladda KMG ah, Dhaqdhaqaaqa Raaskaambooni iyo Ciidamada Kenya oo is garabsanaaya.
Hogaamiyaha Raaskaambooni Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa sheegay in ay ku fool leeyihiin degmada Badhaadhe oo uu sheegay inay ka baxeen Al-Shabaab.
******************************  
|