|
Beeraleyda Gobolka Jubbada
Hoose oo ku mashquulsan tabcashada dalagyada kala duwan.
May 21/2011
Beeraleyda ku dhaqan gobolka
Jubbada hoose ayaa ku mashquulsan tabcashada dalagyada kala duwan
iyadoo lagu gudo jiro xilliga gu’ga oo ah xilliga beeraleyda
Soomaaliyeed ay uga faa’iideystaan tabcashada dalagyadooda.
Deegaanada gosha ee dhanka
waqooyi kaga beegan magaalada kismaayo ayaa waxa laga dareemayaa
dhaqdhaqaaq dhinaca tabaca ah oo ay wadaan beeraleyda waxaana
tuulooyinka sida weyn looga dareemayo dhaqdhaqaaqa dhinaca beeraha
kamid ah tuulooyinka; Wirkooy, Zanguuni, Mogaanbo Kamsuuma iyo
Araare oo dhamaantood ah ubucda waxsoosaarka beeraha ee gobollada
Jubooyinka, waxaana beeraleyda ku dhaqan tuulooyinkaasi ay ku
mashquulsanyihiin tabcashada dalagyadooda.
Max'ed Siciid oo isagu beer ku
leh tuulada Wirkooy oo aan ka wareysannay howlahooda shaqo ayaa
sheegay in lagu gudo jiro xilli roobaadka islamarkaasina ay tahay
xilliga ugu haboon ee wax la beerto, waxaana uu sheegay in ay uga
faa’iideysanayaa xilliga gu’ga beerashada dalagyadooda.
Mar aan weydinnay waxyaalaha ay
beeraleyda gobolka J/hoose sida saa’idka ah u beerayaan sanadkan
ayuu noo sheegaya in waxyaalaha ugu badan ee ay beeraleydu
abuuranayaan ay kamid yihiin Liinta, Muuska, Galleyda , Sisinta,
Digirta iyo weliba qudaarta oo uu sheegay in sanadkan siweyn ay
beeraleydu u beeranayaan.

Gobolka J/hoose waxa uu kamid yahay
gobollada dalka Soomaaliyeed ee ugu badan dhanka waxsoosaarka
dhulka, waxaana jiro beeraley fara badan oo iyagu aan awoodin in
ay ka faa’iideystaan biyaha webiga islamarkaasina suga xilliga
gu’ga, haseahaatee dhulqodotada gaar ahaanna kuwa wax ku beerta
hareeraha webiga Jubba waxa ay had iyo jeerba cabsi ka qabaan in
uu ku soo fatahmo webiga jubba islamarkaasina uu baabi’iyo
waxyaalihii ay beerteen, maadaama webiga jubba uu aalaaba fataho
marka la gaaro xilliga gu’ga oo ay roobabku siweyn u da’aan
 
*************************
 
|