|
Qoysas Somalibantu ah oo maanta qaatay Warqada U
Dhalashada Mareekinka(Citizenship)
Aug. 03/2011

Labo qoyws oo ka tirsan Jaaliyadda
Somalibantu ee ku dhaqan magaalada Burlington ee Vermont State, kuwassi oo magacyadooda la kala yiraahdo Sacdiya Shekhuna Maxamed iyo Dadir Hilowle ayaa maanta oo taariikhdu tahay August 03/2011 la
guddoonsiiyey warqadda U-dhalashada Mareekinka oo loo yaqaan
Citizenship.
Labada qoys ayaa wejigooda ka
muuqatay farxad iyo reyreyn, iyadoo qaraabada iyo ehelada labasi
qows ay ku sugnaayeen goobta lagu gudoonsiinayey warqadahaasi
Citizenship-ka.
Sacdiyo Shekhuna Maxamed oo ka mid
aheyd dadkii la gudoonsiyey warqadda U dhalashada Mareekinka, oo
aan wax ka weydinay, sida uu yahay dareenkeeda inta ay qaadatay
warqadaan u dhallashad, ayaa iyadoo aad u faraxsan ku jawaabtay,
aad ayaan ugu faraxsanahay inaan maanta qaato warqaddan dhalashada
Mareekinka, maxaayeelay bay tiray, waxaan dalkaan Mareekinka ku
sugnaa muddo ka badan lix sanno, wligeyna kama qeybqaadan
doorashooyinka ka dhaca dalka Mareekinka, waxaan laygu xiri jiray
warqadaan hadaadan haysan xaq uma lihid inaad cid doorato, mana
lagu dooran karo, marwa Sacdiya oo hadalkeedii sii wadatay ayaa
sheegta, in warqadaan u dhallashada ay aad iyo aad muhiim u tahay,
laįanteeduna aad xuquuq badan ku wayni karto.
Marwa Sacdiyo wax laga weydiyey waxa
ugu soo horeeyo aad warqadaan ku qabsan dooonta waa maxay?
Marwa Sacdiya Shekhuna ayaa ku
jawaabtay, hadeer waxaan doonayaa inaan qaato Passport, waxaana
damacsanahay inaan soo booqdo waalidkeyga iyo walaalahay oo ku
sugan xeryaha Qaxootiga ee Kenya haduu Alle Edmo.

www.jiimonet.com Ibrahim M
Abdi(Ibrahim Akuja)
 
****************
 
|