Home  
 
  Gosha  
 
  Heeso  
 
  Wanafrica  
 
  Arab News  
 
  World News  
 
 
BBC 11:00 GMT
BBC 14:00 GMT
BBC 18:00 GMT
Radio Banadir
Voice of America
Somali Radio(USA)
Radio SCERDO
Radio Somali Edmonton

Islamic City
Study Islam
Islamic Books
Holy Qur'an Resources
Quran & Muslims
The Quran Network
Golaha Imaamyada
Prayer Worldwide
The right way to Pray
Learn About Islam
Dugsi Education Center
Somali Sunah
Tafsiirka Quraanka

RTD (Radio and TV Djibouti)



UUR KUTAALLO, AAN LA ILOOBI DOONIN

Aqoonyahanada iyo waxgaradka bulshada Jareerweyne oo tahniyad u diray walaalkood Yoonis Alifow guulaha uu ka gaaray waxbarashadiisa.

Ra'iisul wasaaraha Pakistan Yusuf Raza Gailani ayaa dhowaan gudoon siiyay Billad dahab arday Soomaaliyeed oo kaalin sare ka galay waxbarashdisii jaamacadeed, ardaygan oo lagu magacaabo Yoonis Xasan Xuseen (Alifow) ayaa qaatay shahaadadda Master-ka ee Dhaqaalaha.

Mr. Yoonis Alifow wuxuu kaalinta koowaad u galay arday kor u dhaafeyso 90 arday waxaana uu ka qalin jabiyay kuliyada dhaqaalaha ee jaamacadda International Islamic University Islamabad (IIUI).

Munaasabad loogu talagalay Qalin jabinta ardaydaasi oo lagu qabtay Xaruunta Jaamacaddaasi ayaa waxaa ka soo qaybgalay Ra'iisul wasaaraha Pakistan oo billad dahab ah qoorta u suray ardaygaasi Soomaaliyeed. Xafladaasi waxaa la gudoon siiyay shahaado arday gaarayso 2267 oo 6 ka mid ah ay ahaayeen PhD. Ra'iisul wasaare Raza Gailani waxuu gudoon siisyay bilado dahab arday dhan 34 oo kaalimaha koowaadka galay takhasuskooda.

Ma ahan markii ugu horeysay ee Mr.Yoonis Alifow la gudoon siiyo bilad dahab. Waxey ahayd sanadkii la soo dhaafay 2008 markii ay gudoon siisay bilad dahab jaamacadda "Sarhad University of Science and Information Technology Peshawar (SUIT)"asaga oo kaalinta koowaad ka galay “Bachelor Of Business Administration (BBA)”.

Jaamacada IIUI waxey tahay mida saddexaad ee ugu weyn Pakistan sida uu halkaas ka sheegay madaxweynaha jaamacadda Dr. Anwar Sidiqi. Jaamacadda IIUI waxaa la aasaasay March 1985, waxaa dhigto arday ka kala yimid dalal badan sida: Somalia, Yemen, Indonesia, Malaysia, Jordan, Kenya, Nigeria, Bosnia, Ghana iyo dalal kale.

Qowmiyadda Jareerweyne uu aqoonyahankan ka soo jeedo ayaa aad iyo aad ugu riyaaqday guulaha waaweyn ee wax ku uulka ah uu igaarkood Alifow gaaray, tasso ku timid bay yiraahdeen samir aad u culus, iyo dadaal dheerad uu nafsidiisi geliyey, si uu ugu gungaaro aqoonta heerka ugu sareyso, Illaahna wuu la garabgally, waanatan loogu abaalmariyey dadaalkiisii iyo isxilqaankiisii. waxayna dhambaalyo aan kala go’laheyn u dirayaal igaarkood Yoonis Xassan Xusseen Alifow guulaha waaweyn ee uu ka gaaray waxbarashda, waxayna dhallinyarada bulshada Jareerweyne iyo guud ahaan dhallinyarada Soomaaliyeed ugu nasteexeynayaan inay ku daydaan walaakood Yoonis Alifow ayna ku dadaalaan waxbarashada

 



Enter Keywords:

Search Engine via Google
Enter Keywords and search


          
Jareer Role Models

Geesiga, Hogaamiyaha, Halyeygii Suldaan Nassib Buundo

Al-Sayid Cabdlkhadir Sheikh Saqawadiin Sheikh Aweys

Faay Jeellow waxay aheyd gabadhii u hurtay nafteeda iyo maalkeeda in lagula dagaalamo gumaysiga Talyaniga.

Halgamaa Maxamed Ramadaan Arbow waxuu ahaa Aasaasihii hogaamiyihii ururka SAMO.

Prof. Xuseen Muse waa Hormuudkii Kuliyadda W. Lafoole, Sanadkii 1984 - 85              Ph.D Holder from United Kingdom

Prof. Cumar Eno aqoon yahan u halgamay beesha Jareer weyne

»              Click here to read more .....


A Trusted Source of News and Information Since 1942. VOA is a multimedia international broadcasting service funded by the U.S. government through the Broadcasting Board of Governors.
Click here to listen: » VOA


Boggaan waxaan oogu tala-galnay in lagu xeyeesiiyo wax alla wixii ganacis ah ama ururo sama fal ah.
Click here to enter


Copyright © Jiimonet 2007