Home  
 
  Gosha  
 
  Heeso  
 
  Wanafrica  
 
  Arab News  
 
  World News  
 
 
BBC 11:00 GMT
BBC 14:00 GMT
BBC 18:00 GMT
Radio Banadir
Voice of America
Somali Radio(USA)
Radio SCERDO
Radio Somali Edmonton

Islamic City
Study Islam
Islamic Books
Holy Qur'an Resources
Quran & Muslims
The Quran Network
Golaha Imaamyada
Prayer Worldwide
The right way to Pray
Learn About Islam
Dugsi Education Center
Somali Sunah
Tafsiirka Quraanka

RTD (Radio and TV Djibouti)



UUR KUTAALLO, AAN LA ILOOBI DOONIN

Dhiibo Fikradahaage --- » Coming Soon .........

Iyadoo shallay la soo gabagabeeyey Shirkii Dib u heshiisiinta Beelaha Soomaaliyeed ee muddada 45-ta maalmood ka socday Xaruunta Gaadiidka Boliska ee magaalada Mogadisho, ayaa munaasabadda xiritaanka shirkaa ka hadleen saddaxda mas'uul ee ugu sareeysa Dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya.

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Cabdullahi Yuusuf Axmed oo ka hadlay muaasabadda xiritaanka Shirka Beelaha, ayaa sheegay; inuu shirkaasi uu guul ku dhamaaday, waxayse guushaasi ku xirantahay, buu yiri, hadba sida uu micna ugu yeesho Shacabka Soomaaliyeed una garwaaqsadaan guusha u soo hooyatay, sidaasi waxaa yiri madaxweyne Cabdullahi Yuusuf.

Madaxweyne Cabdullahi Yuuausf, ayaa Shirka Dib u heshiisiinta ku sheegay; inuu ahaa mid u madaxbanaan beelaha Soomaaliyeed, waana markii ugu horaysay muddo 17 sanno ah, beelaha Soomaaliyeed intay dalka gudahiisa isugu yimaadaan kana tashadaan ayaahahooda.

Cabdullahi Yuusuf ayaa sheegaym in dowladda KMG ah ay diyaar u tahay inay mrrl mariso go'aanada ka soo baxay shirka dib u heshiisiinta beelaha Soomaaliyeed, marka la meel mariyo talooyinka Shirweynaha. Shacabka Soomaaliyeed loo jeexidoono dariiq siyaasadeed, oo nabadeed, si qof walba oo Soomaali ah ay ugu qanacdo in aan talada dalkiisa awood lagula wareegi karin, sidoo kalena uu Qofka muwaadinka ah fursad u heli karo in uu talada dalka wax ku yeesho.

Soomaaliya waxaa loo qorayaa Dastuurkii ay ku dhaqmi lahayd, waxaa dadweynaha Soomaaliyeed laga qaadayaa Afti caam ah, taasi oo lagu weydiin doono in ay raali ka yihiin dastuurka, waxaa la sameynayaa tirakoob, si loo ogaado tirada shacabka Soomaaliyeed iyo meelaha ay kala joogaan, Soomaaliya waxaa loo qabanayaa Nidaam Federaal ah oo leh Dowlad-goboleedyo iyo Dowlad Dhexe oo si dastuuri ah u kala qeybsada Maamulka.

Awoodda iyo Kheyraadka dalka, waxaa dalka loo furayaa Nidaamka Xisbiyada badan, mase rajeynayo in uu noqdo nidaamkii 80ka ama 90-ka Xisbi ahaa ee 1969-kii jiray oo kale, intaas markii la qabto oo Midnimadii iyo Sharaftii Umadda Soomaaliyeedna la soo celiyo waxaa la qabanayaa Doorasho caam ah oo madax bannaan, dowladduna ay markaas xukunka ku wareejiso ciddii aad doorataan.

Waxaa sidoo kale, munaasabadda Shirkaasi ka hadlay mas'uuliyiinta kala aha' Ra'iisul wasaare Geedi iyo Gudooyaha Barlamaaka Sheikh Aadan Madoobe, oo dhamaantood muujiyey Shirka Dib u heshiisiinta Beelaha inuu guul ku dhamaaday.



Enter Keywords:

Search Engine via Google
Enter Keywords and search


Jareer Role Models

Geesiga, Hogaamiyaha, Halyeygii Suldaan Nassib Buundo

Al-Sayid Cabdlkhadir Sheikh Saqawadiin Sheikh Aweys

Faay Jeellow waxay aheyd gabadhii u hurtay nafteeda iyo maalkeeda in lagula dagaalamo gumaysiga Talyaniga.

Halgamaa Maxamed Ramadaan Arbow waxuu ahaa Aasaasihii hogaamiyihii ururka SAMO.

Prof. Xuseen Muse waa Hormuudkii Kuliyadda W. Lafoole, Sanadkii 1984 - 85 Ph.D Holder from United Kingdom

Prof. Cumar Eno aqoon yahan u halgamay beesha Jareer weyne

» Click here to read more .....


A Trusted Source of News and Information Since 1942. VOA is a multimedia international broadcasting service funded by the U.S. government through the Broadcasting Board of Governors.
Click here to listen: » VOA


Boggaan waxaan oogu tala-galnay in lagu xeyeesiiyo wax alla wixii ganacis ah ama ururo sama fal ah.
Click here to enter


Copyright © Jiimonet 2007