|
Jaaliyadda reer Gosha ee ku nool magaalada Edmonton ee dalka Canada oo aqab waxbarasho oo deeq ah soo gaarsiiyey Ardayda degaanka Gosha ee Jubbooyinka
June 4/2009(Jiimonet Media Center) Kamsuma
Jaaliyadda reer Gosha ee ku nool magaalada Edmonton ee dalka Canada oo aqab waxbarasho oo deeq ah soo gaarsiiyey Ardayda degaanka Gosha ee Jubbooyinka, deeadaasi oo isugu jirtay Buugaagta ardayda wax ku qortaan iyo qalmaan, waana markii ugu horeysay oo Jaaliyadda reer Gosha ay deeq noocan oo kale ah soo gaarsiiyaan deegaanadooda, waxaana deeqdan in la helo suurtageliyey islamarkaana aruuriyey, hadana Gosha gaarsiiyey hay'ada GOSHA LITERACY AND FARMERS DEVELOPMENT ASSOCIATION (GLAFDA) oo ku howlan u adeegga beeralada Gosha.
Gudoomiyaha Waxbarashada degaanka Gosha ee Jubada hoose mudane Sakariya Maxamed Daa'uud oo lagu wareejiyey deeqdassi, ayaa isna ku sii wareejiyey mas'uuliyiinta dugsiyada ilaa 6 tuulo oo kala ah Buulisaaga, Moofi, Miigwa, Makalango, Shongola iyo Gumeeni.
Gudoomiyaha ayaa u mahad celiyey jaaliyadda reer goleedka ee magaalada Edmonton, sida kalgacaltooyada leh ay walaalahooda ama caruurtooda ula soo gaareen deeqahaan qiimaha badan, iyadoo ay jirtay baahi weyn oo loo qabay deeqaha noocaan oo kale ah.
 Gudoomiyaha ayaa waxuu sheegay in lixda tuulo oo dugsiyadooda loo qeyniyey buugaagtan iyo qalimaanta ay gaarayaan ilaa 730 arday, oo ah fasalada 1-waad ilaa afaraad, kuwaas oo isugu jira wiilal iyo gabdho.
Gudoomiyaha ayaa waxuu sheegay, in deegaanka Gosha ay ka jirto dhibaatooyin xagga waxbarasho la'aan, waxuuna sheegay inay jiraan dhismooyin ay UNICEF ugu talagashay dugsiyo, laakiin aysan jirin wax kuraas ah, ama miisas ay ardada ku fariistaan waxna ku qortaan, ma jiraan sabuurado fiican iyo jeeseeyin, waalidiinta ardayda wax kale daayee ma awoodaan inay caruurtooda u soo iibiyaan boogaag iyo qalmaan, halkii buug qiimahiisa waa 10,000 shillin Somaali, halkii arday waxuu u baahanyahay ilaa todobo buug iyo qalmaan, waalidkii shaqo mahayo hay'ado samafal dhiibayo ma jiraan dowlad oo howshaasi qabankartana ma jirto.

Guddoomiyaha ayaa dhibaatada ugu weyn ku sheegay, daryeelanta Macalimiinta haysato, waxuuna yiri waxaanu haysanaa, macalimiin aqoon fiican u leh dhanka waxbarashada maada kasto ha ahaatee, laakiin, maclimiintii daryeel mahaystaan, xataa ha yaraatee, macalinkii laba maalin hadii uu skoolka imaado maalintii kale, waxuu aadayaa boosta falow, maxaa yeelay waxuu caruurtiisa ku quudinayo mahaysto, hadii ay macalimiinta heli lahaayeen waxoogaa daryeel ah, maalinkata, way soo xaadiri lahaayeen niyad fiicana ardayda wax bay ku bari lahaayeen, waxaanu u baahanahy daryeelka macalimiinta intay doonta hala ekaato

Guddoomiyaha ayaa hadana waxuu u mahadceliyey hay'ada GOSHA LITERACY AND FARMERS DEVELOPMENT ASSOCIATION (GLAFDA), oo Soomaalinimada leh isugu xilsaartay, islamarkaana suurta gelisay helitaanka deeqdani, iyaga oo har iyo habeenba nala soo xiriirayey, islamarkaana nagu dhiiri gelinayey inaan waxbarasha sii wadno lana sabro, wixii mucaawano ah in ay noo raadinayaan, albaab walbana garaacayaan way sida ay naga balan qaadeen GLAFDA, waana tan durba mirii GLAFDA iyo deeqdii walaalaheyna Gosha ee magaalada Edmonton
Inkastoo ay howsha fari ka qodneen, hadana deeqdani, waxay dhiirigelin lixaad leh siinaysaa, ardayda, waalidiinta, macalimiinta, iyo guddiga waxbarashada oo aan aniga ka mid ahay.

Waxaan Jaaliyada Soomaaliyeed iyo aduunkaba ka codsanaynaa in nalaga soo caawiyo dhanka waxbarashada, lixdan skuul maahee waxaa jira ilaa iyo dhoor iyo labaatan tuulo oo ay ku sugan yihiin kumaakun caruur iyo dhallinyaro oo waxbarasho la'aan ah, waana nasiib daro qarniqaan labaatanaad in jiilkii dhamaa ee soo korayey inuu mustaqbil la'aan noqdo, waxaana deeqahaasi noo soo marinkartaan hay'adda u xilsaaran waxbarashada Gosha GOSHA LITERACY AND FARMERS DEVELOPMENT ASSOCIATION (GLAFDA)
Waxaa kaloo meesha ka hadlay waalidiintii oo dhamaantood duco iyo amaan u soo jeediyey jaaliyadda Gosha ee Edmonmton iyo hay'adda GLAFDA oo suurta gelisay aruurinta iyo soo gaarsiinta deeqdan, waxayna waalidiinta ku duceeyeen, Kurba xoog leh ayaad naga goyseen, ee Illahay Ajir iyo xasanaad ha idiinka siiyo awlaadiinana Illahay Baari ha idiinkaga dhigo.
 Hay'adan GOSHA LITERACY AND FARMERS DEVELOPMENT ASSOCIATION (GLAFDA) waa hay'ad cusub, waxaan aasaasay, oo islamarkaana maamulkeeda gacanta ku haya waxgarad ka soo jeeda deeganada Gosha ee Jubbooyinka, waxaan loo aasaasay baahida waxbarasho ee ka jirya Gosha iyo in la hormariy aqoonta dadka beeralayda ee Gosha iyo wax ka qabashada wax kasta oo duruuri u ah nolosha aadamaha, sida caafimaadka.

Maamulka GLAFDA waxuu ka codsanayaa dhamaan bulshada Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa ka danqanaya duliga uu jahliga leeyahay, islamarkaana yaqaan waxtarka aqoonta ay leedahay, inay deeq ama kaalmo dhanka waxbarashada ah la soo gaaraan abadkaan la iloobay ee ku nool deegaanada Gosha, Ubadkaasi Idinka oo Soomaali ah iyo Ilaah baa u maqan, waxaad nagala soo xiriiri kartaan TEL. kala ah. 780 299-3613 780 299-3613 ama 780-554-8756 780-554-8756 ama e-mail address akuja2001@yahoo.com or
mzigula2005@hotmail.com
Jiimonet Media Center jiimo2001@yahoo.com www.jiimonet.com
|