|
Halgamaa Maxamed Ramadaan Arbow
Maxamed Ramadaan Arbow, waxuu ahaa Aasaasihii hogaamiyihii uruka SAMO. Arbow, waxuu ahaa Geesi aan ganban, aqoonyahan isaga filan xagga aqoonta iyo garaadkaba, waxuu intaasi ku darsaday codkarnimo iyo xigmad.
Arbow, ayaa hoggaankiisa ku soo toosay, xilligii xagga nabad gelyada ugu xumayd ee dalka soo marta, xilli ay xabbad maahee ay xigmadfdu shaqeyneeyn, hase yeeshee Arbow waxuu xiligaasi muujiyey geesinimo aan marna la iloobi karin, isagoo 1994-kii xamar ka abaabulay banaanbixii ugu balaarnaa, ebed, ay beelaha Jareerweyne ku soo banaabaxaan, banaabaxaas oo loogu magacdaray Socdaalkii Nabdda, ayadoo markaasi dadkii ka qeybgalay socdaalkaasi, ay kor u dhaafeen ilaa 20 000, oo ka koobnaa beesha Jareerweyne oo kaliya, socod dheer ku maray wadada Maka Al Mukarama Jareerweyne oo kaliya, socod dheer ku maray wadada Maka Al Mukarama..
Xilliga banaabaxaasi waxuu dalka jooga UNISOM, ujeedada uu Arbow banaabaxaasi uu ka lahaa ayaa ehyd laba ujeedo, midda kowaad in Jareer ay nabadda taageersan tahay, iyo in beesha Jareer aysan aheyn beel tiri yar, maxaa yeelay tiro intaasi la eg oo xiligaasi is soo bixi karto way adkeed.
Allah u naxariistee marxuum Maxamed Ramadaan Arbow waxuu xijaabtay 2001-kii, waxaana loo sameeye aas Qaran. Arbow waa geesi ku dayasho mudan

Gudoomiyihii SAMO Maxamed Ramadaan Arbow

Guddoomiyi SAMO Arbow oo u doodayo Xaquuqda Jareerweyne
|